Uncategorized

Dhaqaalaha Shiinaha oo kor u kacay sidii la filayay si ka fiican

Muqdisho-KNN-Waxaa kor u kacay dhaqaalaha dowlada Shiinaha ee sannadka kaas oo kor u kacay 6.8% saddexdii bilood ee ugu horeysay sannadkan.

Marka la barbardhigo sannadkii hore, sida ay muujinayso xogta rasmiga ah ee dawladda.

Koritaanka dhaqaalaha Shiinaha ayaa dhacday intii u dhaxaysay bishii Janaayo iyo bishii Maarso, ee sanadkaan, wuxuuna ka sarreeyaa kobicii ay dawladda Shiinaha filaysay sannadkan 2018ka oo ahaa “ku dhawaad 6.5%”.

Xogtaas ayaa muujinaysa adkaysiga dhaqaale ee dalka labaad ee ugu tunka wayn adduunka, waxaana caawiyay dalabaadka dalka gudahiisa ah oo awood yeeshay.

Balse waxaa taagan walaaca laga qabo dhaqaalaha Shiinaha – waxaana ka mid ah daynta sare u sii kacaysa.

Dawladda ayaa dadaal adag ugu jirta sidii ay u xakamayn lahayd daynta iyo qiimaha guryaha ee sare u sii kacaya iyadoo aan la dhaawicin korodhka dhaqaalaha.

Amy Zhuang oo ah dhaqaale yahan Shiinays ah oo ka tirsan bangiga Nordea Bank ee Singapore ayaa sheegay in ay arrin “culus” tahay sida uu dhaqaalaha Shiinuhu u kobcay saddexdii billood ee sannadkan u horraysay, laakiin wuxuu sheegay in ay jiraan astaamo wiiqaya xawaaraha uu dhaqaaluhu ku kobcayo.

Shaacinta koboca dhaqaalaha ee Shiinaha ayaa ku soo aaday iyadoo ay jirto xiisadda dhanka dhaqaalaha ah Maraykanka kala dhaxaysa. Waana dalka ay ganacsiga ugu ballaaran la leeyihiin.