Somali News

Dhiilo Colaadeed oo Saaka ka taagan duleedka Kismaayo

Kismaayo-KNN-Xiisad dagaal ayaa Saaka waxa laga soo sheegayaa deegaanno ku yaalla duleedka Magaalada kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Xiisadan Colaadeed ayaa waxa ay udhaxeeysa dad walaalo ah oo oodwadaag ka ah deegaankaasi, deegaanada ay Shaqaaqadu ka taagantahay waxaa kamid Dalsan, Haadweeyn, Kaamjaroon, oo Magaalada Kismaayo kaga aadan yihiin jihada Bari.

Dhiiladan ayaa waxa ay dabataallaa dagaal shalay dhexmaray Labadan beel, qasaaro aan tiro yareeyn ayaana dagaalkii Shalay ka dhashay.

Maamulka Jubaland wali kama aysan hadal colaadan ka taagan deegaanada hoostaga Kismaayo.