Uncategorized

Faah Faahin ka soo baxeyso weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Muqdisho-KNN-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar la sheegay in Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ay xalay ku qaadeyn Guriga siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku yaala meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqisho.

Weerarkaan oo dhacay xili dambe oo xalay ah ayaa la sheegay in Guriga la weeraray ay ku sugnaayeen Siyaasiin Mucaarad ah iyo Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya waxaana la sheegay in uu ka dhici rabay shir gaar ah.

Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay Ilaa 5 qof uu ka mida h Darawalkii gaar-ka ahaa ee c/raxmaan Cabdi shakuur oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Naxar sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil ka mid ah kuwa amaanka.

Siyaasiin, xildhibaano iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa maanta siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii xalay dhacay, waxayna dhamaantood ku tilmaamayn go’aan lagu fududaaday oo sababi kara dhibaato amni iyo mid siyaasadeed.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Islamarkaana ku sugnaa Guriga la weeraray ayaa Warbaahinta u sheegay in sidii uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Gurigii ay ku sugnaayeen, Waxa uuna sheegay in khal khal iyo walaac ay ku beerantay xubnihii ku sugnaa Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Mas’uuliyiinta ka hadlay Howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo ku tilmaamay talaabo Sharci darro ah oo ay qaadeyn Ciidamada amaanka waxa uuna ku eedeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in si deg deg ah Kal-Fadhiga Baarlamaanka Golaha Shacabka oo fasax ku maqan muddo labo bilood ah si ay uga hadlaan dhibaatooyin uu sheegay in ay soo kordhayn                                                                          

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Murashaxiintii Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa ka mid ah Xubnaha ka hadlay weerarkaan kadib qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Qoraalka Xildhibaanka uu soo dhigay Bartiisa faceebook ayaa u qornaa “In qof siyasad kugu khilafsan loo adeegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta qaranka”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii ku tagri falka awoodda iyo ciidanka Qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho ay tahay arrin qatar ku ah dowladnimada iyo xasiloonida dalka, Sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay ka gudubtay waqtigii ku tagri falka awoodda iyo ciidanka qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasilonida dalka, waxay u baahan tahay in laga hortago, si anan u burburin wixii yaraa ee an gaarnay sanadihi la so dhafay”ayuu yiri.