Uncategorized

Beladweyn:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay derbi ku dumay dad hoos fadhiyay

Beladweyn-KNN-Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay todobo kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii uu ku soo duumay darbi ku yaala suuqa xoolaha ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka rara xoolaha halka kuwa dhaawacmeyna ay iskugu jireen dad xoolo keenay suuqa iyo kuwa dilaala xoolaha.

Dadka ku dhaawacmay darbigan ku soo duumay ayaa la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Baladweyne si loo dabiibo xaaladooda caafimaad sida uu ku soo waramay wariyaha Kulmiye ee Beladweyne

Darbiga soo duumay ayaa la sheegay in dhararkiisa uu yahay labo mitir islamarkana ay hoos fadhiyeen dadkan ku dhaawacmay iyo mid ka ku dhintay.

W/Q:- Maxamed Cabdi Saney.