Jowhar-KNN-Wararka naga soo gaarara Degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay wadada u galeen labo Askari oo ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo watay mooto xili ay doonayeen inay tagaan Deegaanka Cali fool-dheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Askartan iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Mudo saacado ah waxaa ay ku dagaalamayeen inta u dhexeeya Degmada Mahadaay iyo Deegaanka Cali Fool-dheere,iyadoona ay jiraan khasaaro ka dhashay dagaalkaasi,waxaana Askartan ay ka tirsanaayeen taliska Guutada 2aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya.
Gaashaanle sare Cumar Cali Cadow oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan degmada Mahadaay ee gobalka shabeelaha dhexe oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in labadan Askari oo saarnaa mooto ay waddada u galeyn Al-Shabaab,kadibna ay ka dileen hal Askari,halka midka kalana uu ka baxsaday.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaabkii weeraray labadan Askari,dhankooda ay dileen mid ka mid ah dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.
Al-Shabaab ayaa waxaa ay mudooyinkii dambe ay kordhiyeen Weerarada Tooska ah ay ku qaadayaan Askarta ka Tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya,Tan iyo Markii ay Dowlada federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dagaal culus lala galayo Dagaalamayasha Al-Shabaab.