Jowhar-KNN- Hal Askari ayaa ku dhintay tiro kalane dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal Ciidamo Milatariga Soomaaliya ku dhaxmaray magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle.
Dagaalka oo socday waqti kooban ayaa ka dhacay meel u dhaw Madaxtooyada Jowhar waxaana ka soo baxaya warar is dhaafsan isku dhaca Ciidanka.
Xaaladda magaalada ayaa hada degan waxaana la sheegay in la kala qaaday Labadii Ciidan ee dagaalamay.
Mas’uuliyiinta gobalka, Saraakiisha Ciidanka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa wali ka hadlin isku dhaca Labada Ciidan ee ka tirsan Milatariga Soomaaliya.