Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay degmada Warshiikh ee HirShabeelle.

Warshiikh-KNN-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay tiro kalane way ku dhaawacmeen rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay meel u dhaw degmada Warashiikh ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in koox hubeysan ay rasaaseeyeen Gaari Homey oo mararyay deegaanka Boos Dacaar una dhaw degmada Warshiikh ee HirShabeelle, waxaana halkaasi ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dadkii Gaariga Saarnaa oo dhamaan shacab musaafir ahaa.

Dadka dhintay Laba ka mid ah waa ilmo Adeer/Walaalo waxaana sidoo kale la soo sheegayaa in dadka dhintay ay ku jiraan, wararka ay heshay KNN ayaa sidoo kale soo sheegaya in dadka dhaawacyada qaar ay qabaan dhaawac culus.

Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo maleeshiyadii weerarkaasi fulisayna ay goobta isaga baxsatay.