Muqdisho-KNN-Ugu yaraan Lix ruux ayaa dhintay in ka badan Boqolkalena waaay dhaawacmeen 10 ka mid ah Xaaladoodu waa halis, kadib markii isbuurasho ay kadhacday Xarun caweeys oo ku taala Talyaaniga.
Dhacdadaan waxay ka dhacday meel u dhow Magaaldda xeebta leh ee Ancona.
Wararka qaar ayaa sheegay in isbuurashadda ay sababtay cabsi ka dhalatay wax u eg hub la riday oo laga maqalay gudaha Xarunta caweeys ee Magaaladda Corinaldo, hase ahaatee Warkaas wali lama xaqiijin.
Gawaari badan ayaa ku xareeynaa goobta ay isbuurashadu ka dhacday, dhaawacyadda ugu bandanna waxay ka dhasheen shilal.
Riwaayad ayey Daawanayeen Dadka oo gaarayay tiro ahaan 1000 ruux.
Dadka dhaawacmay waxaa loo qaaday cusbitaalo ku yaala Magaalooyinka Senigallia iyo Ancona.


