Uncategorized

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay isku dhacyo ka dhacay degmada deyniile.

Muqdisho-KNN-Isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafad ku taala degmada deyniile ee gobalka Banaadir waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay isku dhacyada waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo u badan Ciidamadii dagaalamay, goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidamo Milatari ah iyo Ciidan kale oo ku libisan dareeska Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadda loo yaqaano saban saban oo ah xero Ciidan, waxa uuna dagaalka uu salka ku haayaa is qab qabsi dhuleed oo ka taagan Gudaha Xerada, mana jirto cid ku baxday oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan.