Uncategorized

Tiro hoobiyaal ah oo galabta lagu garaacay Warta Nabadda.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay tiro hoobiyaal ah oo galabta lagu garaacay xaafafo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobalka Bamaadir.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in ilaa 7 Hoobiye ay ku soo dhacayn Xaafadda Baar-ayaan ee degmada Warta Nabadda, sidoo kale Xaafado ka mid degmada Yaaqshiid oo ku dhaw Baar-ayaan ayaa la sgeegay in ay Hoobiyaasha qaarkood ka dhacayn.

Qaar ka mid dadka dhaawacyada ayaa la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus waxaana la dhigay Isbitaalo ku yaala Muqdisho.

Dadka dhaawacyada ah ayaa dhamaantood la sheegay in ay ahaayeen Barakacayaal degan xeryo ku yaala degmada Warta Nabadda.

Wasaaradda amniga Soomaaliya oo ka hadashay Hoobiyaasha ayaa sheegtay 2 hoobiye oo kaliya ay soo dhacayn Islamarkaana 5 qof ku dhaawacmayn.