Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Madaafiic laga maqlay deegaanka Tukeraq.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa  Sheegaya  saacadihii ugu dambeeyay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan.

Madaafiicda ayaa waxaa la sheegay inuu  ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo dhimasho iyo tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Khasaaro uu soo gaaray dhinacyada ku sugan Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa ay ciidamo badan ay geeyeen deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Ma jiraan weli wax war oo ka soo baxay saraakiisha Puntland iyo Soomaaliland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan Madaafiicda ka dhacday Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Deegaanka Tukeraq ayaa waxaa uu ka mid yahay Goobaha ay ku dagaalamayaan Ciidamo kala Taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.