Somali News

Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Baraawe

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay bar kontrool oo ku taalla tuulada Ambreyso oo 5 KM u jirta magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa barta kontrool, waxaana jira khasaare soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay saddex askri oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.