Uncategorized

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Garoon kubadda Cagta oo ku yaala D/Baraawe

Baraawe-KNN-Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Qarax miino oo ka dhacay Garoon ku badda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaala degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ah shacab daawanayay Ciyaar sama final ah oo ka socotay Garoon ku yaala degmadaasi waxayna ciyaarta u dhaxeysay Laba koox oo ka tirsan degmada.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira kuwa ay xaaladooda tahay mid aad uliidato waxaana lagu dabiibaya Isbitaal ku yaala magaalada, maamulka degmada ayaa Al-shabaab ku eedeeyay Qaraxaasi.

Qaraxa ayaa lagu aasay goobta ay fariistaan Daawadayaasha Ciyaarta, si gaar ah waxaa lagu aasay goob loogu talagalay masuuliyiinta Ciyaarta ka soo qayb galaya Ciyaarta oo sama final ahayd.

La soco wixii ku soo kordha.