Uncategorized

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Kenya.

Muqdisho-KNN-Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta Ciidamo ka tirsan Milatariga Kenya waxaa lagula eegtay  inta u dhaxaysa degaanada Haluuqa iyo Ijaara oo ka wada tirsan magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya sida ay noo sheegeyn dadka deegaanka ee gudaha kenya.

Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 ka mid ah Ciidamada Kenya ay ku dhintayn weerarkaasi, sidoo kalane ay ku dhaawacmayn tiro kale oo Ciidan ah.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka la geliyo, waxa uuna haleelay Gaari ay saarnaayeen kolanyo ka tirsan Milatariga Kenya oo ka baxayay Gudaha Soomaaliya kuna sii jeeday Wadanka Kenya.