Somali News

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay shil gaari oo ka dhacay G/Nugaal

Garowe-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dangoroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa geeriyootay, hal kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii uu xalay dadkaas gaari ay ku safrayeen.

Gaariga rogmaday oo ahaa nooca yar-yar ee raaxada ayaa waxaa saarnaa shan qof, kuwaas oo laba kamid ah ay bad-baadeen.

Labada marxuum ee shilka ku geeriyooday mid ka mid ah ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidanka madaxtooyada Puntland, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon.

Marxuumka kale ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Shiine Birjeeb, waxuuna ahaa qof rayid ah, dhaawacyadii ka dhashay shilkaas ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaallada magaalada Garowe.

Deegaanka uu shilkaas ka dhacay ee Dangoroyo ayaa caasimadda Garowe u jira 114-KM.