Uncategorized

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil-gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in ka badan 5 qof oo kalane dhaawac ayaa ka soo gaaray gaari ku rogmaday deegaan ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkaan gaari ayaa ka dhacay deegaanka Tabeelaha Shiikh Ibraahim gaar ahaan nawaaxiga waydow, waxa uuna yimid kadib markii Gaari nuuca weyn oo dhuxul waday uu ku dul rogmaday Shacab ku sugnaa hareeraha laamiga.

Dhimashada iyo dhaawaca dadkaan ayaa Idaacadda kulmiye waxaa u xaqiijiyay maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho oo goobtaasi gaaray shilka kadib.