Uncategorized

Dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay duleedka D/Dayniile.

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay saddex kalane way ku dhaawacmayn dagaal beeleed ka dhacay deegaan ku yaala duleedka degmada Dayniile ee gobalka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in dagaalkaan uu dhacay shalay gelinkii dambe waxa uuna ka dhacay deegaan la yiraahdo Seeri oo dhinaca waqooyi kaga beegan deegaanka Garasbaalay ee duleedka magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada dagaalamay ayaa isku haaya dhul ku yaala deegaanka Seeri waxaana wali taagan xiisad murankaasi ka dhashay, qaar ka mid ah dadka ku nool goobaha lagu dagaalamay ayaa sheegay in wali labo ciidan is hor fadhiyaan goobtii lagu dagaalamay.

Ma jirto wax ku baxay dagaalkaasi, waxaana la sheegay in aysan dhulkaas ka agdhawayn Dowladda Soomaaliya, sidoo kale odayaashii deegaanka ayaa ka baxay aaggaasi si aysan u saameyn dagaal beeleedka ka dhacay duleedka degmada Dayniile ee gobalka Banaadir.