Somali News

Dhinacyada ku dagaalamaya Dalka Liibiya oo isku mari la’ Heshiis xabad joojin ah oo ay wada saxiixdaan.

Wadahadalo shalay ka furmay dalka Ruushka oo looga gol leeyahay in lagu saxiixo xabbad-joojin sharuud la’aan ah oo ay wada gaaraan dowladda Qaramada Midoobay ay taageerto iyo Generalka sida wayn uga soo horjeeda ee dagaalka kula jira Harftar.

Madaxa Xukuumadda ay Qaramada Midoobay taageerto Fayez al-Sarraj, wuxuu saxeexay heshiis xabbad-joojin ah, halka Khalifa Haftar – oo ah taliyaha ciidamada bariga ee fadhigiisu yahay Liibiya codsaday waqti dheeri ah in laga fiirsado.

Waxay aragti fiican ka haystaan dukumintiga waxayna codsadeen waqti dheeri ah ilaa iyo talaadada si ay go’aan uga gaaraan, ayuu yiri “Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov oo kamid ah dhinacyada dadaalada wada xaajoodka wada.

In kabadan 280 qof oo rayid ah iyo laba kun oo dagaalyahano labada dhinac ah ayaa la diley boqol afartan iyo lex kun oo reer Libiya ahna waa ay barakaceen tan iyo markii uu Haftar bilaabay weerarada is daba jooga ah ee uu dowladda uga soo horjeedo.