Somali News

Dhismaha cusub ee Safaarada Jabuuti oo maanta xariga laga jaray.

Muqdisho-KNN-Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta waxaa ay si wadajir ah xariga uga jareen dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee ku leeday Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo masuuliyiin kale oo lagu casuumay munaasabada.

Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.