Somali News

Dhul Gariir ku dhuftay Iran

Ugu yaraan shan qof ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen ,120 kalena waxa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, ka dib markii dhul gariir qiyaastiisu tahay  5.9- uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalka Iran, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Iran.

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan cimilada ama sahminta dhulka ayaa sheegtay in dhul gariirku ku baahay qiyaastii 60km magaalada Hastrud , ee dhacda Gobolka Azerbaijan, wax yar ka hor waaberigii maanta oo Jimco ah.

Warbaahinta dowladda Iiran ayaa xaqiijisay khasaaraha dhacay ee isugu jira dhimashada,dhaawaca iyo burburka guryaha.

Dalka Iran waxaa ku soo noqnoqday dhulgariirada ka dhaca dalkeeda,waxaana sanadihii 2005-tii,2012-kii iyo 2017-kii shilalka dhlgariirka ku dhintay in ku dhow 2-kun oo ruux.