Somali News

Dhul gariir ku dhuftay Jasiirad ku Taala Indonusia.

Muqdisho-KNN-Lama soo sheegin khasaare weyn oo uu geysty dhul gariir awoodiisu weyntahay oo ku dhuftay Xeebta Woqooyi bari ee dalka Indonusia gaar ahaan Jasiiradda Sulawesi, Masuiliyiintuna waxa ay meesha ka saareen digniin ka dhan Sunaami.

Dhulgariirka oo lagu cabiray 6.9 ayaa dhererkiisa hoose ee badda waxaa uu gaarayaa 36km waxaana xigay gariirro yar yar, sida ay sheegtay Hey’adda Saadaashadda hawadda iyo Cilmiga dhulka.

“Digniintii Sunaamidu waa ay dhamaatay” ayey tiri Hey’adda oo war kooban soo saartay.

Dhul gariiradda yar yar waxaa ay ruxeen dhismooyin, waxaana dadk looga digay in ay ka baxaan dhismooyinka dhaadheer.

“Dhulgariirku waa uu xooganaa muddo ayuuna taagnaa” ayuu yiri Yuusuf Ladiif Afayeenka Hey’adda Baarista iyo Badbaadinta oo la hadlay Reuters.

” Ma jiro war sheegaya bur-bur iyo Khasaare Nafeed” ayuu hadalkiisa kusii daray Afayeenku.