Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay dalka Filibiin ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay shan ruux halka tobonaan kalana ay ku dhaawacmeen.
Dhul gariirka oo cabirkiisu ahaa 6.3 cabirka dhul gariiryada ayaa waxa uu gil gilay qaybo badan oo kamid ah koonfurta dalka Filibiin.
Dad badan ayaa guryahooda kasoo baxay iyadoona sidoo kale bukaanada laga soo saaray isbitaalada kuwaas oo la’iskugu keenay wadooyinka.
Dalka Filibiin ayaa kamid ah dalalka ugu daran oo ay ka dhacaan dhul gariiryada ugu qasaaraha badan dunida.
Dhul gariirkii ugu dhimashada badnaa ayaa dalka Filibiin ka dhaca ayaa dalkaasi ku dhuftay sanadkii 1990’kii markaasi oo ay dhinteen ku dhawaad 2,000 oo ruux.


