Somali News

Dhul Gariir Xoogan oo ku dhuftay Gobolka California ee Dalka Mareykanka

Muqdisho-KNN-Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay koonfurta gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa noqday kii ugu xooganaa ee halkaasi ku dhufta mudo haatan laga joogo 20 sano.

Dhulgariirka oo cabirkiisa lagu sheegay 7.1 markii loo eego cabirka dhul gariirada ayaa ruxay dhismooyinka isagoona adeega korontada ka jaray qaybo kamid ah magaalada Los Angeles.

Majiro wax qasaara ah oo lasoo wariyay kaas oo kadhashay dhul gariirka.

Gudoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom ayaa codsaday in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah.

Dhul gariirkii ugu dambeeyay ayaa 11 jeer ka xooganaa dhul gariiradii ka horeesay sida ay sheegayaan culimada qaabilsan sahminta dhulka ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale dhul gariirka ayaa noqday kii ugu xooganaa ee koonfurta gobolka California ku dhufta tan iyo sanadkii 1999’kii sida laga soo xigtay jariirada Los Angeles Times.

Taliyaha booliska Los Angeles, Michael Moore ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka ku sheegay in uu wali socdo adeega gurmadka deg dega ah.