Somali News

Dhulgariir ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Pakistaan

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay 300 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul gariir ku dhuftay Gobolka Kashmiir qaybta ay hindiya maamusho, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Pakistaan.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisa lagu sheegay 5.8 waxaana uu ka dhacay meel 22km u jirta magaaladda jelum ee Gobolka Punjab.

Kasokow waxyeeladda soo gaartay dadka waxaa bur-buray dhismooyin iyo kaabeyaasha dhaqaalaha waxaana socda dadaalo lagu baarayo bur-burka hoostiisa oo laga baqayo in ay dad ku hoos xaniyanyihiin.

Shaqaalaha gurmadka deg-degga ah iyo kuwa caafimaadka ayaa la geeyay goobaha ugu daran ee uu dhul gariirku ku dhacay.