Somali News

Dhulgariir kale oo ku dhuftay dalka Afghanistan

Dhulgariir cusub ayaa ku dhuftay galbeedka Afgaanistaan dhowr maalmood kadib markii laba dhul gariir oo waaweyn oo ka dhacay gobolka ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirka oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.3 uu ka dhacay meel u dhow magaalada Herat.

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka deegaanka.

100 kale oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaalka gobolka, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.