Somali News

Dhuusamareeb oo la ciirciiraysa loolanka Musharaxiinta iyo siyaasiyiin ku sii qul-qulaya

Dhuusamareeb-KNN-Waxaa magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa loolan adag oo u dhexeeya musharixiinta doonaya in ay xil ka qabtaan maamulka Galmudug, iyadoona  magaalada ay ku soo qul qulayaan wafuud kala duwan, kuwaasi oo isugu jira masuuliyiin, musharixiin iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Galmudug, maadaama halkaasi ay ka socdaan howlo doorasho.

Qul-qulka musharixiinta ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, kadib maalmo ka hor ay magaalada soo gaareen musharixiin isugu jira kuwa doonaya xilka Guddoonka baarlamaanka iyo midka madaxweynaha maamulka galmudug.

Hardanka ugu weyn ee doorashada maamulka galmudug ayaa ah midka guddoonka baarlamaanka Maamulka Galmudug, maadaama isha lagu hayo qaabka ay u dhaacayso doorashada hoggaanka sare ee Baarlamaanka Galmudug, iyadoona ay xusid mudan in xilkaasi ilaa iyo hada ay u tartamayaan sedex musharax oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan deegaanka Ceeldheer iyo mid kasoo jeeda degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Musharaxiinta ku loolameysa doorashada guddoonka Baarlamaanka galmudug iyo mida madaxweynaha maamulkaasi  ayaa siyaabo kala duwan u shirinaya  Xildhibaanada la doonaayo inay codka ka helaan, waxaana marba marka xigta sii xoogeysanaya ololaha socda.

Musharaxiinta qaarkood ayaa casuumaad  gaar gaara u sameynaaya Xildhibaanada iyadoo uu u jeedka ugu weyn yahay inay ka helaan codka kalsoonida.

Dadka u dhuun-duleela doorashadda ka dhacaysa  magaalada Dhuusamareeb, ayaa rumeysan in codeyntu tahay mid culus, lana saadaalin karin Musharax ku guuleysan doonaa, inkastoo Musharaxa noqda guddoomiyaha baarlaamaanka Galmudug iyo  Madaxweynaha ay horyaalaan Ajendooyin iyo caqabado fulinteeda aysan sahlanaan doonin.