Uncategorized

Dhuusamareeb oo maanta ay ka bilaaban doonto isku dhafka Galmudug iy Ahlusuna.

Dhuusamareeb-KNN-Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulkaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariya KNN ugu soo warama Dhuusamareeb qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soconeysa magaalaadasi, waxaana xubnaha soo dhaweynaya ka mid ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan ka tirsan maamulka Galmudug.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhuusamareeb ka bilaabi doono isdii leys kugu dari lahaa Golaha Wasiirada, Xildhibaanada iyo ciidamada labada maamul, maadaama dhowaan ay midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna.

Safarka madaxweynaha Galmudug ayaa noqonaya midkii labaad ee uu ku tago dhuusamareeb tan iyo markii la doortay, sidoo kale socdaalkiisa ayaa imaanaya xilli maalmihii danbe la hadal haayay isku dhafka Galmudug iyo Ahlusuna.