Somali News

Dib u dayactir lagu sameeyay wadada isku xerta deegaanka Janaale iyo Degmada Marka

Guddoomiyaha gobolka shabeelada Hoose Cabdiqaadir Shiikh Maxamed Nuur Siidii iyo wasiirka arrimaha gudaha Koofur galbeed Soomaaliya ayaa xariga ka jaray wadada xiriirisa deegaanadda Buufoow iyo Janaale.

Wadadaan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku socday dib-u-dayactir iyadoo wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka deegaanka Janaale iyo Degmada Marka.

Guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii ayaa sheegay in maamulka Gobolka ay ka go”an tahay dib u dhiska wadooyinka burburka ka muuqdo iyo horumarka gobolka.



Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nadaafada iyo horumarka gobolka