Somali News

Dib u dhac doorasho miyaa la diyaarinayaa mise ololaha socda waa bilowga doorasho?

Muqdisho-KNN-Waxaa ka harsan muddo xilkeed Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanad,3-bilood iyo 23 cisho,waxaana maalaman dambe hadal heynta Siyaasada Soomaaliya ay noqatay olalaha doorasho ee socda iyo qorsha la sheegay in la diyaarinayo kaas oo ah sidii muddo kororsi ay u sameysan lahaayeen Madax haatan talada Dalka haya.

19-kii-bishii May ee sanadkan Wasaarada arrimaha Soomaaliya ayaa Sharci doorasho oo muran baddan dhaliyey waxaa ay u gudbisay Xildhibaanada Golaha shacabka.

Sharcigaas la gudbiyey qodobkiisa 56-aad waxa uu si qayaxan u caddeynayaa in haddii ay dhici weyso doorashada xildhibaanada baarlamaanka duruufo soo kordhey awgood, in waqti kororsi loo samaynayo baarlamaanka.

Khilaaf iyo hadal heyn badan oo ka yimid sharcigaa iyo Maamul-Goboleedyada oo dhankooda qaaday, waxay sabab u noqatay in Guddiga KMG ah uu soo diyaariyo sharciga doorashada uu ku dhawaaqo Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waqtiga oo yar iyo sharciga la diyaarinayo oo baaxadiisu weyn tahay,waxaa laga doonayaa Guddigaasi in ay keenaan sharci ay kuwada qanacsan yihiin saamileyda Siyaasada, ,Hadaba su’aashi waxaa ay tahay Sanad iyo bilooyin Gudahood shaqadaasi malagu qaban karaa.

Halkan ka dhageyso Warbixinta oo dhameystiran:-