Somali News

Dib u dhac ku yimid Muxaadaradii Sheekh Umal

Muqdisho-KNN-Waxaaa maanta dib u dhac uu kuyimid muxaadaro  uu kuqaban rabay garoonka kubada cagta ee Eng. Yariisow Sheekh Maxamed Cabdi Umal taas oo qorshuhu ahaa uu galinka danbe ee maanta in ay dhacdo.

Wasiirka wasaaradda dhalin yarada iyo ciyaaraha ee xukumada Soomaaliya oo ah gudoomiyaha gudiga qaban qaabada ee muxaadarida Sheekh Umal ayaa oo lahadashay warbaahinta ayaa sheegtay sababta  ay maanta dib ugu dhacday muxaadaradii u qorshaheeda ahaa in Sheekh in maaanta uu kuqabto garoonka Eng. Yariisow.

Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay  in muxaadarada maanta loobaajiyey aaska loosameenayo Almaas Elman Axmed taas oo maalin kahor lagu dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxeyna sheegtay in maalinta Axada ah ay muxaadaradaas uu qaban doono.

Muxaadarada Sheekh Umul qorshaheeda ahaa in maanta uu kuqabto magaalada Muqdisho ayaa dood adag ka dhalatay .

Waxaaana xusid mudan in Sheekh  Cabduqaadir Soomow uu bulshada kudhaqan magaalad Muqdisho ugu baaqay in aysan kaqeyb galin maxaadaradaas.

Halka qaar kale oo culumada kamid ah ay sheegeen in go’aankii Sheekh Soomow  uu soosaaray aysan waxba ka ogeyn , oo ay tahay mid isaga u gaar ah .