Somali News

Dib u dhac ku yimid furitaanka shirka Dhuusamareeb-3 iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta lagu waday in wajiga seddaxaad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada uu ka furmo Dhuusamareeb, balse dib u dhac ayaa ku yimid, welina madaxdii shirkaas ka qeyb geli laheyd Dhuusamareeb ma tegin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, midkood weli ma aysan gaarin Dhuusamareeb, markii laga reebo madxweynaha martida loo noqonayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo isagu maalin ka hor tegay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay gaaraan Dhuusamareeb, sida uu shaaciyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ah marti-geliyaha shirkaas ayaa xalay Dhuusamareeb ka sheegay in shirku uusan baaqan doonin, isla markaana uu furmi doono saacadaha soo socda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa haatan dalka ka maqan waxuuna booqasho ku joogaa dalka Jabuuti, balse warar aan ka helnay madaxtooyada Puntland waxay sheegayaan in Deni safarkaas uu soo gaban-gabeynayo maanta, isla markaana uu ka qeyb geli doono shirka Dhuusamareeb-3.

Sidoo kale wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in maanta ay Muqdisho ka amba-bixi doonaan Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabelle iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish, kuwaas oo ku wajahan Dhuusamareeb.