Somali News

Dib u dhac ku yimid Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Dhuusamareeb-KNN-Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb  ayaa sheegaya in Maanta markale uu dib u dhacay Furitaanka Shirka Dib u heshiinta Beelaha dega Galmudug, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Gobalka Galgaduud Maxamed Cabdi Weli Tooxow.

Shirka Dib u heshiinta beelaha dega Galmudug oo la filayay in uu maanta ka furmo Magaalada Dhuusmareeb ayaa dib udhac uu ku yimid

Ilaa iyo hada lama oga waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo shirka dib u heshiinta Galmudug .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa hada  ku sugan dhammaan Ergooyin kala duwan oo ka kala socota beelaha dega deegaanada Galmudug,isla markaana ka qeyb geli lahaa Shirkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo  ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waday in uu furo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee lagu dhameynayo khilaafka Galmudug iyo dhismaha Maamulkaasi.