Muqdisho-KNN-Shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iclamiyay in uu muqdisho ka furmo maanta oo isniin ah ayaa Baaqday, kadib markii baaqa madaxweynaha ay ajiibi waayeen madaxda maamul Goboleedyadda.
War murtiyeedkii ay Madaxda maamul goboleedyaddu ka soo saareen Shirkii ay Kismaayo ku yeesheen 4 illaa 8 dii ayey eedeeyn ugu soo jeediyeen Dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya, edeeyntaas oo ay ugu weyneed faragalin maamuladooda ka dhan ah iyo Masuuliyaddii amni oo ay sheegeen in ay Dowladda gabtay.
Sidoo kale Madaxdu waxaa ay War murtiyeedkaas ku sheegeen in hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay Dowladda faderalka ah.
Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed farmaajo ayaa shir wada tashi ah isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyadda, laakiin 14 kii Bishaan ayey madaxdu maamul goboleedyaddu War ay soo saareen waxaa ay shuruud adag ku hor dhigeen ka qayb galkooda shirka.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid ah golaha Amniga Qaranka ayaa madaxda maamul goboleedyadda waxaa ugu baaqay in ay shirka u yimaadaan si loo dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.
Xiriirka Dowladda faderaalka iyo maamul goboleeyada ayaa waxaa uu gaaray heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii maamul goboleedyadda la dhisay, dhexdoodanana waxaa ka tagan degenaansho la’aan siyaasadeed.