Kismaayo-KNN-Shirka iskaashiga dawlad goboleedyada oo maanta lagu waday in laga furo magaalada Kismaayo, ayaa dib loo dhigay, sida uu KNN uxaqiijiyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Kulmiye ayaa ogaatay in shirku uu ubaaqday safar uu maanta Kismaayo ku gaaray awgeed Dajire Micheal Keating, oo madaxda gobollada iyo dawladda dhexe arrimo ay isku heystaan awgeed dib loogu dhigay furitaanka madashadan.
Madashan maanta Kismaayo ay ufadhiyaan madaxda dawlad goboleedyada ayaa markii hore ka dhalatay khilaaf udhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda dhexee.