Somali News

Dib u dhac ku yimid Shirkii Garoowe

Garoowe-KNN-Wararka aan ka heleyno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in shirweynihii lagu waday in uu ka dhaco magaaladaas  uu dib u dhac kuyimid.

Shirkaas oo lagu balansanaa in uu qabsoomo labada bishaan May oo ku began Khamiista Barito ayaa la soo sheegayaa in uu dib u dhacay oo Seddaxda la qaban doono bishaan oo ku beegan maalinta Sebtida.

Shirkaas ayaa lagu balansanyahay in ay iskugu yimaadaan madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo modooyinkii danbe is fahmi waa uu soo kala dhexgalay.

shirkaas ayaa looga arinsanayaa xaaladda amaan, Siyaasadeed, geedi socodka, doorashooyin iyo wadashaqaynta dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya