Muqdisho-KNN-Waxaa
maanta lagu waday in magaalada muqdisho ka furmo shir lagu dhex-dhaxaadinayo
madaxda gal-mudug ee uu khilaafka blase waxaa lagu soo waramayaa in dib u dhac
uu ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu dhex dhexaadin
lahaa madaxda Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka xoogan.
Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo bisha
September ay tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii xal-waaraha looga
gaari lahaa xaaladaha cakiran ee ka jirta degaanada gal-mudug oo ay ugu horeyso
khilaafka u dhaxeeyo madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.
Shirkan ayaa inuu dib u dhac ku yimaado waxey timid kadib
markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle uu ku gacan seeray baaqa
Farmaajo, wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug ay kaga timaado madaxtooyada
Soomaaliya islamarkaasina halkaasi laga soo abaabula sida lagu yiri
war-saxaadadeed kasoo baxay madaxtooyada gal-mudug
Dhinaca kale garabka kale ee uu hoggaamonayo madaxweyne ku
xigeenkii gal-mudug maxamed cabdi xaashi carabey oo lahadlay KNN ayaa sheegay
in garabkooda shirkaas ay soo dhaweynayaan islamarkaasina in ay ka qeybgalaan
shirka diyaar ay u yihiin.
Khilaafka galmudug ayaa salka waxaa uu ku hayaa sida
masuuliyiinta maamulkaas ay sheegeyn midowgii labada maamul ee ahlu-sunna iyo
gal-mudug


