Muqdisho-KNN-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shir uu madaxweynaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyadoona qorshuhu ahaa in shirkaas uu furmo maanta oo ah 5-ta bisha, kaas oo qorshuhu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo 8-da bishan.
Sababta dib dhaca shirkan ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii ay ka qeyb-galkiisa diideen madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Labada maamul ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in aysan ka qeyb-gali doonin shirka uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib kulamo ay si gooni gooni ah u yeesheen baarlamaanada Jubbaland iyo Puntland.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaaan in maamulada Puntland iyo Jubbaland ay cabasho ka muujiyeen madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoona ku eedeeyay in aysan fulin balan qaadyadii hore loola galay, taasi oo ku aadaneyd in la hakiyo xeerarka doorashada oo ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen.
Hayeeshee illaa hadda majiro maamul goboleed ay madaxdii shirkaas uga qeyb geli laheyd soo gaareen magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa looga hadli lahaa arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka bilaawdaan ndabayaaqada sanadkan.