Hargeyso-KNN-Sida Ay Sheegayaan Wararka Waxaa dib loo dhigay wada hadaladii mudda u dhexeeyay Maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma,kaasi oo qorshihiisu ahaa in LagU Qabto Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.
3 Bishan ayaa la filayay in Shirka uu qabsoomay,Blasé wararka ayaa Sheegaya in Maamulka Soomaaliland uu Codsi u diray Hogaamiyaha Maamulka Khaatuma Cali khaliif galeyr,kaasi oo ku aadan in dib loo dhigo Wadahadala U dhexeeya Labada Dhinac.
Sababta ugu weyn ee Dib u dhaca ayaa waxaa lagu Sheegay inay Tahay Doorashada Soomaaliland oo Fooda nagu Soo heyso iyo bishan oo gudaha Deegaanada soomaaliland ay ka bilaaban Doonaan olaha Doorashooyinka ee Xisbiyada Qaranka, Waxaana wada hadaladan dib loo dhigay ilaa iyo inta ay doorashadu ka dhacayso Deegaanada Soomaaliland,Sida ay Idaacadda Kulmiye u sheegeen Saraakiil ka Tirsan Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland.
Dhan kale ilaa iyo hada Lama Oga in Maamulka khaatumo uu aqbalay codsiga kaga Yimid Maamulka Soomaliland,kaa oo ku aadan in dib loo dhigo shirka u furmi lahaa Maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma.
Balse ma jiro wakhtiga rasmiga ah oo la cayimay in la qabto shirkan ka dhacaya Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer .