Somali News

Dib u dhac ku yimid wadahadaladii Mucaaradka iyo Militariga Suudaan

Muqdisho-KNN-Urur ay ku mideesanyihiin mucaaradka dalka Suudaan ayaa dib u dhigay wadahadaladii ay kula jireen Militariga dalkaas, sida kumeel gaarka ah u xukumo.

Dib u dhaca wadaxaajoodka ayaa yimid kaddib markii mucaaradku ay sheegeen in ay dib usoo eegayaan hanaanka heshiiska awood qaybsiga ah ay lagayaan hoggaamiyaasha Militariga dalkaas.

Ujeedka heshiiska mucaaradka iyo militariga ayaa ah sidii meesha looga saari lahaay xiisada ka taagan dalka Suudaan tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii April Madaxwaynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.

Kala qaybsanaan muddo dheer u dhaxeesay mucaardaka iyo militariga Suudaan kaddib, Arbacadii aynu soo dhaafnay ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis lagu dhisay Gole ka kooban military iyo shacab, kaas oo xukumi doona Suudaan Seddaxda sano oo socota.

Jimcihii shalay ayuu qorshuhu ahaay in lasoo afjaro heshiiska awood qaybsiga ah ee u dhaxeeya labada dhinac, kaas oo dib loo dhigay sida uu sheegay mucaaradku.