Muqdisho-KNN-Xili Maalmo kooban ay ka harsan tahay waqtigii lagu balamay in la qabto shirka Golaha amniga qaranka,islamarkaana lagu casuumay Hogaamiyaasha Maamul gobaleedyada ayaa waxaa uu u muuqdaa inuu dib u dhac ku yimaado Shirkaasi.
Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay xili khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo Dowlad gobaleedyada oo sii xoogeystay.
Shirka ayaa la rajeynayaa inuu dhaco17-ilaa 18 bishan, ,iyadoo dadka ka faallooda arimaha siyaasada soomaaliya ay sheegayaan in uusan jirin isku soo dhawaasho u dhaxeeysa dowlada iyo maamul goboleedyada, tan iyo war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee ku soo idlaaday Magaalada kismaayo.
Madaxda dowladda Weli kama hadlin khilaafka, marka laga soo tago in warqad uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Hogaamiyaasha maamul goboledyada,si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Amniga qaranka.
Waxaa jira walaac ah uusan shirka qabsoomin Waqtiga uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Maadaama madaxda maamul goboledyada ay mar walba warbaahinta ka sheegaan khilaafka ka aloosan dowlada dhexe iyo dowlada gobaleedyada , islamarkaana eedo dusha uga tuura dowlada Soomaaliya.
Hayeeshee waxaa la dhowr sugayaa sida uu xalka noqon doono,maadaama shalay war ay soo saareen Madaxda Maamul gobaleedyada ay ku sheegeen in ay cabsi badan ka qaban halka lagu qabanayo shirka Golaha Amniga qaranka.


