Somali News

Dib u dhac markale ku yimid jadwalka doorashada aqalka sare

Waxaa marka kale dib u dhac uu ku yimid qabashada doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii horay guddiga doorashooyinka ay u sheegeen in maanta la qabanayo doorashada aqalka sare, maadaama qorshuhu uu ahaa in la qabto waqtigii loogu talagalay.

14 Janaayo oo maanta ah ayaa ku eg waqtiga uu Guddiga doorashada lagu muransan yahay u asteeyeen qabashada doorashada Aqalka Sare, waxaana guddiga doorashada uu yahay mid wali lagu muransan yahay oo aysan heshiis ku ahayn dhinacyada ka qayb galaya doorashada soomaaliya ee sanadkan 2021-ka

Guddiga doorashooyinka ayaa 29 december shaaca ka qaaday in la qaban doono doorashada Aqalka sare 7-14 Janaayo, hayeeshee arrintan aysan suurta gal aheyn

Waa markii labaad uu dib u dhac ku yimaado doorashada kuraasta aqalka sare, iyada oo aysan jirin musharixiin la diiwaangeliyay, sababo la xiriira m uran weli ka taagan doorashada Aqalka Sare.

Musharrixiinta mucaaradka ah ayaa ku doodaya in dowladdu ay iska indha tirtay cabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee heer Federal.

Waxaa jira walaac laga qabo in ay dhici karto in doorashooyiin iska soo horjeeda la qabto, haddii aan heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka hadda taagan ee la xiriira doorashada dadban.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaanan weli soo gudbin xubnihii guddiga doorashada ee heer Federaal iyo heer maamul gobaleed, arrintaas oo dib u dhigtay hannaankii doorashooyinka baarlamaaniga ee la filayay in la bilaabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay go’aansatay hirgelinta doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Doorashooyinkan oo wali uu muran ka taagan yahay ayaa xukuumadda federaalka waxay sheegtay in iyada iyo qaar ka mid ah maamul gobaleedyada ay arrintaas isla garteen.

Mar uu warbaahinta la hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go’aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.