Muqdisho-KNN-Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa noqday maalmo ay dhacdooyin xanuun badan marti geliyeen qoysas badan, kadib markii ciidamada Soomaaliya toogasho toos ah u geesteen dad isugu jiray dhalinyaro iyo waayel, kuwaas oo ay ka doonayeen lacag tiro yar.
Askarta geysatay falalkaas oo ku jira diiwaanka ciidamada Qaranka ee u dhaartay difaaca dalka iyo dadka, ayaa dilay dhowr qofood, oo kan ugu yar ay ka rabeen lacag laba kun oo shilinka Soomaaliga ah, halka kan ugu badanna ay uga baahnaayeen lacag ka yar 25 kun oo shilin Soomaali ah.
Waa dhacdooyin uur ku taallo iyo murugo ku reebay ehallada dadkii la dilay iyo kuwa kale oo maqlay mana muuqato tallaabooyin muuqda oo ay qaadeen ciidankii kale oo ay ka tirsanaayeen ee ammaanka si cadaaladda loo marsiiyo dambiilayaasha.
Dilalkaan aan ka hadleyno ayaa dhacay 8-dii, 16-kii, 18-kii, iyo 20-kii bishan aan ku guda jirno ee Jun, waxayna ka kala dhaceen degmooyinka, Hodan, Xamar Jajab, Xamar weyne iyo Isgoyska Ex Control Afgooye oo kala qeybiyo dhowr degmo oo ka tirsan Muqdisho.
Warbixintaan oo dheer waxaa dhacdooyinkaas xanuunka badan nooga diyaariyey Weriyaha Idaacadda Kulmiye Cali Cilmi Salaad.