Somali News

Dib udhac badan kadib, R/W Kheyrre oo maanta gaaraya Kismaayo

Kismaayo-KNN-Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose kadib maalmo uu dib uga dhacay safarkiisa Kismaayo.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay waxaana la xiray inta badan wadooyinka magaalada Kismaayo ee ku dhow Airport-ka Kismaayo iyo Madaxtooyada sida ay sheegayn Wariyaal ku sugan Kismaayo.

Xasan Cali Kheyrre, Reysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu halkaasi kulamo kula qaato Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana kulankaasi lagu xalin doonaa khilaaf iyo mad madow ka dhax jira DFS iyo hogaanka Jubbaland.

Reysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa laba maalin dib uga dhacay qorshaha safarkiisa Kismaayo kadib markii uu dhintay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.