Uncategorized

Dib udhac ku yimid Magacaabista Wasiirada Hirshabeelle iyo Xildhibaano Eedeen usoo jeediyay M/weyne Waare

Jowhar-KNN-Waxaa maanta mar kale dib u dhac ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada ee Maamulka Hirshabeelle sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeellle.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa lagu waday in la magacaabo maalinta Arbacada ilaa khamiista waxaana la sheegay in laga yaabo in ay qaadato ilaa dhowr maalmood oo kale sida ay sheegayaan Xubno ka tirsan Hirshabeelle oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro.

Xildhibaanada aan la hadalnay oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku mashuulay Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan arimo aan wax shaqo ah ku laheyn Hirshabeelle.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu noqday Mucaarad ku mashquulsan arimaha Dowladda dhexe shaqadiisana uu gabay.

Dhinaca kale warar laga helay Jowhar ayaa sheegaya in Khilaaf kale ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada kaas oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeynka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Dhismaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa weli ku horgudban qodaxyo sababay in mar kale dib u dhac uu ku yimaado ku dhowaaqisteeda.

Lama oga halka uu saldhigan doono Khilaafkaan ka taagan Magacaabista Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo waqtiyo kala Duwan dib u dhac ku yimid Magacaabistooda.