Dibadbaxyo ballaaran ayaa habeenkii 3-xaad ka socda magaalada Minneapolis kuwaasi oo looga oo horjeeda dil ay booliska u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.
Ciidamada Ilaalad Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.
George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.
Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee. Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykan ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmed Arbery oo ka dhacay Georgia iyoBreonna Taylor oo lagu dilay Kentucky