Somali News

Dibad-baxayaal careysan oo mar kale gudaha u galay Barlamaanka Ciraaq

Dibad-baxayaal carreysan ayaa mar kale gudaha u galay baarlamaanka Ciraaq, kuwaasi oo taageersan hogaamiyaha saameynta leh shiicada ah Muqtada al-Sadr.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya kumanaan taageereyaasha Al-Sadr oo gudaha u galay  Xafiisyo dowladdeed iyo Hay’addaha shisheeye, ka hor inta aysan gelin baarlamaanka.

Dibadbaxa ayaa imaanaya maalmo kadib markii dibad baxayaasha ay xoog ku galeen golaha sharci dejinta ayna hakiyeen kalfadhiga lagu soo magacaabi lahaa ra’iisul wasaare cusub.