Somali News

Dibad baxyaal careesan iyo booliska dalka Haiti oo isku dhacay.

Muqdisho-KNN-Booliska dalka Haiti ayaa gaaska dadka ka ilmeesiiyaa iyo rasaasta cinjirka ka sameesan u adeegsaday si ay ugu kala ceeriyaan dibad baxyaal careesan oo iskugu soo baxay caasimada dalkaasi.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed oo dalka la dagay, iyadoona gabaabsi ay yihiin raashiinka iyo shidaalka.

Sidoo kale dadka reer Haiti ayaa ka cabanaya hoos u dhac ku timid lacagta dalka, xilli musuq maasuqa lagu eedeenayo masuuliyiinta dowladdana uu sara u kacay.

Dad badan ayaa dalbanaya in xilka uu ka dago madaxwaynaha dalkaasi  Jovenel Moise kaas oo loo haysto in uu ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinka xoogan ee ka jira dalka Haiti.

Dibad baxyadii ugu danbeeyay ayaa ayaa lasheegay ay ku dhaawacmeen afar ruux.Waxaana dibad baxii dhacay Jimcihii lasheegay in uu kamid yahay dibad baxyadii ugu xooganaa uguna qalalaasaha badanaa ee dalka Haiti ka dhaca mudo bilooyin ah.