Somali News

Dibad-baxyada looga soo horjeedo R/wasaaraha Yahuuda oo sii xoogeysanaya

Kumanaan ruux ayaa wali Israel kawado dibad baxyo xoogan oo looga soo horjeedo Ra’iisul Wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu.

Dibad baxyada oo galay todobaadkii 15’aad ayaa lagu dalbanayaa in uu xilka ka dago Ra’iisul Wasaaraha, xilli lagu eedeenayo arimo musuq maasuq iyo wax kaqaasha la’aanta halista xanuunka Covid-19.

Sidoo kale waxaa jiro xayiraado cusub oo ay dowladdu soo rogtay si looga hortago faafida xanuunka, balse waxaa sidoo kale si wayn ugu soo horjeedo shacabka oo u arko in ay ku tahay dhibaato.

Sharciga Israel ayaana ku qasbeenin Ra’iisul Wasaaraha in uu xilka ka dago, balse cadaadiska kaga imaanayo dhanka shacabka ayaa sii kordhaya.