Uncategorized

Dibad baxyo looga soo hor jeedo xariga Boqor Buur-madow oo ka dhacay gobolka Sanaag

Muqdisho-KNN-Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay deegaanada Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Soomaaliland kuwaas oo ka careysan xarigii boqor Cusmaan Muxumad Maxamed (Boqor Buur-madow) oo xalay lagu xiray magaalada Hargeysa.

Deegaanadaas ayaa la sheegay in uu ka soo jeedo Boqor Buur-madow, waxaana dadkii isu soo baxay ay dalbadeen in la siidaayo boqorka.

Ciidamada Booliiska ee Soomaaliland ayaa risaas ku furay dadkaas dibaxa dhigayay, inkastoo aan la ogeyn in ay khasaaro ay ka dhasheyn rasaasta ay fureen ciidamada  iyo inkale.

Boqor Buur-Madow ayaa lagu eedeeyay in fasax la`aan uu aaday deegaanada Puntland isla markaana uu kaga dhawaaqay ereyo dhaawaca qaran nimada Soomaaliland.