Somali News

Dibad baxyo looga soo horjeedo dowladda Al-Jeeriya oo ka dhacay wadankaasi.

Boqolaal ruux ayaa dibad baxyo xoogan ka dhigay caasimada dalka Aljeeriya.

Dibad baxyada oo ay hormuud ka ahaayeen dadka Dimoqoraadiyada u ololeeya ayaa lagu la dalbanaayay in isbadal lagu sameeyo siyaasadda wadankaasi.

Dibad baxyada ayaa sidoo kale imaanaya labo maalin uun kadib markii ay bilaabatay ololaha aftida dastuurka wax looga badalayo ee ladoonayo in ay wadankaasi ka dhacdo 1’da bisha November ee soo aadan.

Dibad baxyada ayaa guud ahaan wadankaasi Al-Jeeriya ka bilawday bishii Febaraayo ee horaantii sanadkii tagay 2019, markaas oo ay dadku kasoo hor jeesteen madaxwaynihii hore ee dalkaasi Cabdul-Casiis Butufliiqa, oo waqtigaasi isa soo sharaxay markiisii shanaad.